Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Oo Horyaalka Premier League Ah.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku dhaw in uu bar-bareeyo rikoodh taariikhi ah oo u yaala kooxda Liverpool kulamada soo socda.

Tan ilaa markii uu khasaariyay rikoodhadii kulankii Huddersfield bishii October 2017 horyaalka Premier League Mohamed Salah ayaa dhaliyay 15 rikoodhe oo ay Reds heshay.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa kaliya 3 rikoodhe u jira in uu bar-bareeyo xiddiga ugu badan ee dhaliyay rikoodhayaasha xidhiidhka ah horyaalka premier League.

Xiddigii hore ee Jan Mølby ayaa ah xiddiga haysta rikoodhka rikoodhayaasha ugu badan ee xidhiidh ah ee la dhaliyay isaga oo laba jeer dhaliyay 18 rikoodhe oo xidhiidh ah sidaas darteed Salah ayaa 4 rikoodhe u jira in uu dhaafo rikoodhkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*