Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Chelsea.

Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Chelsea, habeen dambe oo Axad ah, taasoo qayb ka ah horyaalka Ingiriiska ee Premier League, xilli ciyaareedka 2024/25.

Kulanka ayaa ka tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Mohamed Salah ayaa doonaya in uu dhaliyo gool kulanka si uu uga mid noqdo 5-ta xiddig ee ugu goolasha badan premier League.

Mohamed Salah ayaa haatan ku jira kaalinta 10-aad ee liiska xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda premier League isaga oo leh 161 gool.

Haddii Mohamed Salah uu gool ka dhaliyo kulanka berri ee Chelsea, wuxuu la mid noqon doonaa xiddigii hore ee Tottenham Jermain Defoe, kaasoo leh 162 gool, isagoo ku jira kaalinta sagaalaad.

Haddii Mohamed Salah uu laba gool ka dhaliyo hal kulan, goolashiisa wuxuu noqon doonaa 163 gool, isagoo la mid noqon doona xiddigii hore ee Liverpool Robbie Fowler oo ku jira kaalinta sideedaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga