Mohamed Salah Oo Heegan Buuxa Galiyay Real Madrid & Barcelona, Qirasho Ayuu Sameeyay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo mar kale Albaabka u furay ka ciyaarista horyaalka La Liga xilli uu waraysi siinaya wargayska MARCA.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana ay Liverpool doonaysaa in ay sii haysato xiddiga garabka ka ciyaara.

Waraysiga Mohamed Salah ayaa heegan buuxa galiyay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona sidoo kale shaki galiyay mustqbalkiisa kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa wax laga waydiiyay in uu ka tagi doono kooxda Liverpool marka uu dhamaado heshiiskiisu waxana uu ku jawaabay”Arintaas aniga iguma xidna”.

“Waan Arki doonaa waxa dhaca laakiin am doonayo in aan arintaas ka hadlo haatan”.

“Mohamed Salah ayaa la waydiiyay in uu doonayo in uu ka ciyaaro horyaalka La Liga waxana uu ku jawaabay”Waxa aan rajaynayaa in aan ka ciyaaro horyaalka La Liga wakhti dhaw laakiin am jirto cid garanaysa waxa dhici doona mustaqbalka”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Ha Ogolaan Guurka Ninka 5-tan Caado Leh, Ma Ahan Mid Kuu Fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*