Mohamed Salah Oo Gool K Dhaliyay Koox Kasta Oo Premier League Ah Oo Uu Wajahay Marka Laga Reebo Halkan Koox.

Mohamed Salah ayaa guud ahaan u saftay 238 kulan kooxaha Liverpool iyo Chelsea isaga oo Reds u saftay 212 kulan una dhaliyay 134 halka uu chelsea u saftay 19 kulan una dhaliyay 2 gool.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt, wuxuu gool ka dhaliyay koox kasta oo Premier League ah oo uu waligiis wajahay marka laga reebo hal.

Mohamed Salah ayaan waligiis ka dhalin gool kooxdiisa haatan ee Liverpool inkasta oo uu ka hor tagay hal kulan markii uu joogay kooxda chelsea.

Markii kaliya ahayd ee uu Mohamed Salah ka hor tagay Liverpool ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 2013/2012 markaas oo ay Liverpool guuldaro 2/0 ah kala kulantay Anfield waxana uu Salah ciyaaray 60 daqiiqo isaga oo aan wax gool ah ka dhalin.

Kulankaas ayaa ahaa midkii uu Steven Gerrard siibtay waliba ay Liverpool iska lumisay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*