Mohamed Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhacaya xagaaga 2025 waxana laga yaabaa in uu qaab xor ah uga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Waxa jira xiiso waali ah oo ay kooxaha sucuudiga u qabaan saxiixa Mohamed Salah iyada oo kooxda Etihad isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga xagaagii hore.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Mohamed Salah ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxda Liverpool si uu ula shaqeeyo tababare Slot.

Slot ayaa Salah u arka xiddig muhiim u ah waxana uu xitaa doonayaa in uu heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga