Mohamed Salah Oo Bruno Fernandes Ka Hor Istaagi Kara In Uu Taariikh Ka Dhigo Premier League.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xiddiga Man United ee Bruno Fernandes ka hor istaagi kara in uu taariikh ka sameeyo Premier League xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa hogaaminaya gool dhalinta premeir League xilli ciyaareedkan isaga oo leh 17 gool hal gool-na ka horeeya Xiddiga Man United ee Bruno Fernandes.

Hadii uu xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes Mohamed Salah ku garaaco Gool dhalinta premier League waxa uu noqon doonaa xiddigii ugu horeeyay ee khadka dhexe ah ee ku guulaysta gool dhalinta casriga Premier League.

Sidoo kale Burno ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Man United ah ee ku guulaysta gool dhalinta premier League tan ilaa Robin van Persie kaas oo ku guulaystay abaalmarinta sanadkii 2013.

Bruno Fernandes ayaa haatan dhaliyay 16 gool premier League ilaa haatan waxana uu gaadhi karaa 20 gool hadii uu ku sii wado sida haatan gool dhalinta premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*