Mohamed Salah Oo Balanqaad U Sameeyay Taageerayaasha Liverpool Kadib Bar-Barihii Man City.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa isaga oo balanqaad u sameeyay kadib bar-barii ay Liverpool la gashay kooxda Man City.

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Man City kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday kulanka oo ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh horyaalka premier League.

Salah ayaa Taageerayaasha Liverpool u balanqaaday in uu kooxdiisa ka caawin doono in ay u tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa bogiisa Instagram ku qoray”Run ahaantii waxa aan doonaynay in aan kulanka Man City badino laakiin wali horyaalku waa furanyahay”.

“Waxa aan ku tartami doonaa horyaalka, waana in aan u dagaalano”ayuu sii raaciyay qoraalka.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*