Xiddiga Masar ee Mohamed Salah, ciyaaryahanka kooxda Liverpool, ayaa ka baxay aamusnaantii xilli la eegayo xaaladda uu hadda ku sugan yahay kooxda, gaar ahaan kadib markii uu kursiga kaydka ku bilowday labada kulan ee ugu dambeeyay, isla markaana uusan ciyaarin hal daqiiqo kulankii Leeds United.
Salah ayaa sheegay wareysi uu bixiyay:
“Waxaan hore u sheegay in xiriirkeyga macallinka uu wanaagsan yahay, laakiin si lama filaan ah xiriir wanaagsan oo naga dhexeeya ma jiro hadda, mana garanayo sababta. Waxay u muuqataa in qof aanu doonayn inaan kooxda joogo.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Aad ayaan uga niyad-jabay. Waxaan u qabtay kooxdan wax badan, qof walbana wuu arkayay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan xilli-ciyaareedkii hore. Ma aqaan sababta aan kursiga kaydka u fadhiistay Waxaan dareemayaa in kooxda ay iska kay indha-tirayso. Taasi waa waxa aan dareemayo.”
Salah ayaa sidoo kale yiri:
“Daacad ahaanteed, arrintani aniga ahaan waa wax aan la aqbali karin. Ma aqaan sababta mar walba arrintan igu dhacdo”
Wuxuu sii raaciyay:
“Shalay ayaan hooyaday wacay. Iyadu ma ogeyn inaanan ciyaari doonin maanta. Anigu waan ogaa. Waxaan ku iri: ‘Kaalay kulanka Brighton (usbuuca dambe)، xitaa haddii aan ciyaaro ama aanan ciyaarin، adiga dartaa ayaan u farxi doonaa.’ Waxaadna arki doontaa waxa dhici doona. Aniga ahaan waxaan u malaynayaa inaan xilli walba ku raaxaysanayo joogitaankeeda, waayo ma aqaan waxa dhici doona… Kulanka wuxuu ka dhacayaa Anfield, sidaas darteed waxay u ekaan kartaa kulankaygii ugu dambeeyay kahor intaan u ambabixin Koobka Qaramada Afrika.”
Ugu dambayn wuxuu yiri:
“Waxaan mudanahay ixtiraam badan… Wax badan ayaan u qabtay kooxda, mana aha inaan saddexdii maalinba hal mar u dagaallamo booskeyga, sababtoo ah waxqabadkeygii hore ayaa i siinaya xaq aan ku ciyaaro. Dadku waxay odhan doonaan ‘waxaad ku hadlaysaa inaad ka weyn tahay kooxda’, laakiin waligay taas ma oran. Anigu kama weyni cidna ; si fudud ayaan u leeyahay waxaan qabtay waxa igu filan inaan booskeyga helo.”
Be the first to comment