Mohamed Salah Oo Afka Furtay Kadib Dhacdadii Kulankii West Ham.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qarin waayay cadhadiisa kadib kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay West Ham.

Kamerooyinka ayaaa qabtay Salah oo la murmaya tababare Klopp markii uu badalka ku soo galayay ciyaarta.

Salah ayaa kaydka ku bilowday kadib markii uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii Everton.

Markii uu ka sii baxayay garoonka ciyaarta kadib ayuu Salah hadal ku tuuray saxafiyiinta dibada joogay.

Saxafiyiinta ayaa waydiiyay in uu fal celin ka sameeyo wixii ka dhex-dhacay isaga iyo Klopp.

Salah ayaa ku jawaabay”Hadii aan hadlo waxa jiri doona dab”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga