Mohamed Salah Oo Aan Ciyaari Doonin Kulanka Leicester City Xitaa Hadii Uu Ka Soo Kabsado Xanuunka Korona Ka Hor Kulanka.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa seegi doona Kulanka Leicester City ee premier League xitaa hadii uu khamiista ka soo kabsado xanuunka Korona.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa haatan ku jira karantiil kadib markii laga helay xanuunka Korona xilli uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankankiisa.

Dhakhtarka xulka qaranka Masar ayaa sheegay in uu Mohamed Salah mari doono baadhitaanka xanuunka maalinta khamiista si loo ogaado in uu ka soo kabsaday xanuunka.

Hadii uu xiddigu ka soo kabsado xanuunka waxa loo ogolaan doonaa in uu ku laabto Liverpool laakiin wargayska Mirror ayaa sheegay in uuna xiddigu ciyaari doonin.

Sababta ayaa ah in uu xeerka premier League ee karantiilku Salah ka hor istaagi doono in uu ciyaaro kulanka Leicester City xitaa hadii uu ka soo kabsado xanuunka.

Premier League ayaa leh xeer ah in uu xiddig waliba muddo 10 maalin ah karantiil qaato ka hor inta uuna ku soo laaban tababarka.

Sidaas darteed Salah ayaa seegi doona kulanka Leicester City ka hor inta ku soo laaban kulanka Atalanta ee champions League.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay 6 Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*