Mohamed Salah Ayaa Ka Fiican Lionel Messi & Cristiano Ronaldo, Halkan Arin Ayaa Sabab

Weeraryahankii hore ee Ingiriiska, Denis Saunders, oo horey ugu soo ciyaaray Liverpool, ayaa aaminsan in xiddiga haatan ee Reds, Mohamed Salah, uu kaga fiican yahay dhanka waxtarka weerarka xiddiga Manchester United Cristiano Ronaldo iyo weeraryahanka Paris Saint-Germain Lionel Messi.

Xiddiga Mohamed Salah, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii 2021/2022, wuxuu Liverpool uga soo muuqday si cajiib leh isaga oo dhaliyay 10 gool 8 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

“Hada oo aan hadlayno, ma heli karnaa mid ka fiican Mohamed Salah? Saunders ayaa yidhi isaga oo la hadlaya TalkSPORT.

“8 Gool ayuu dhaliyay 8 kulan isaga oo waliba ka ciyaaraya garabka waxa uu iila muuqdaa mid aan la joojin karin”.

“Messi Iyo Ronaldo Haatan la heer ama la qaab ciyaareed ma ahan Mohamed Salah”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*