Modric Oo Fariin U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka Arsenal.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa xiddigaha kooxdiisa uga digay kooxda Arsenal ka hor kulankooda wareega 8 dhamaadka champions League.

Gunners ayaa wajihi doonta kooxda haysata koobka Yurub markii ugu horeysay ee tartan rasmi ah tan iyo guushii xusuusta lahayd ee ay ka gaareen kooxda reer Spain sanadkii 2006dii.

“Hagaag waan arki doonaa, wali waxaa jirta waddo dheer oo aan mari karno ilaa kulankaas”ayuu yidhi xiddiga 39 jirka ah.

“Hadda waa inaan diirada saarnaa Villarreal oo aan si degan u tagnaa fasaxa caalamiga ah”.

“Arsenal waa koox aad u wanaagsan, waxayna noqon doontaa wareeg kale oo xiiso leh. Laakiin sidaan sheegay waxaan u baahanahay inaan marka hore isku diyaarino Villarreal, waa inaan ku badinaa halkaas, ka dibna waxaan qaadan doonaa waqti aan kaga fikirno Arsenal”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga