Miyuu Varane Qaaday Talaabo Muujineysa In Uu United U Wareegayo?

Wararka laga helayo gudaha Real Marid ayaa sheegaya in Varane uu ka tagay xerada tababarka kooxda xilli lala xariirinayo in uu u wareegayo United .

Laacibkaas reer France  ayaa waxa uu bartilmaaeed xooggan uu u yahay xagaagaan kooxda United waxa ayna wararka qaar sheegayaan in hishiiska  shaqsiyadeed ay gaareen

Wargeyska Mirror ayaa qoraya in uu jiro farqi 10 milyan ah oo ku aadan qiimaha ay Real dalbaneyso si Varane u fasaxaan iyo midka United diyaarka la tahay

United 40 milyan oo gini  ayay diyaar la tahay halka Real rabaan lacag gaareysa  50 milyan oo gini

Hishiiska Varane ee Real waxaa ka harsan ha xilli ciyaareed waana diiday in mid cusub uu saxiixo sababo la xariira dhanka mushaarka

Haatan ,waxaa maanta la arkay Varane oo ka tagaya xerada tababarka ka dib markii baaritaanada caafimaadka uu dhameytay waliba  kualamada kale ee Rea l ma uusan ka qeyb galin waxa aya wariyaasha tilmaameen in tani ii direyso farriin ah in uu doonayo in uu baxo .marka la eego dareen xanaaq ah oo ka muuqday

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*