Miyuu Thiago Alcantara Ciyaari Doonaa Kulanka West Brom? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ka hor kulanka West Brom ee Axada.

Liverpool Ayaa Axada Anfield ku marti galin doonta kooxda West Brom kulan ka tirsan todobaadkii 15-aad ee horyaalka premier League.

Tababare Klopp ayaa wax laga waydiiyay taam ahaanshaha xiddiga Thiago Alcantara iyo in uu xiddigu ka qayb qaadan doono kulanka West Brom.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Thiago Alcantara ma ciyaari doono kulanka West Brom, waxa uu ku soo laabtay tababarka laakiin maadama uu muddo dheer maqnaa ma doonayo in aan khatar galino”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*