Miyuu Thiago Alcantara Ciyaari Doonaa Kulanka Newcastle? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay fursadaha Thiago Alcantara ee ciyaarista kulanka Newcastle ee horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa Arbacada marti u noqon doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 16-aad.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka ayaa yidhi”Thiago waxa uu tababarka u qaaataa si kala qaybsanlaakiin jimcihii ayuu qaatay tababar buuxa”.

“Laakiin waxa uu qaatay tababar yar muu qaadan tababarkoo dhan qayb waxa uu la qaataa kooxda buuxda qayb kalena kali ayuu ku qaataa”.

“Arintu waxa ay u muuqataa mid fiican wakhti xaadirkan wax intaas ka badana kama odhan karo ilaa haatana ma garan karo in uu ka qayb qaadan karo kulanka Newcastle iyo in kale”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*