Miyuu Szczesny Ciyaari Doonaa Kulanka Sevilla? Flick Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa shaaca ka qaaday diyaar garowgii ugu dambeeyay ee kooxdiisa ka hor inta aysan wajihin kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka Spain.

Barcelona ayaa wajihi doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan wareegii tobnaad ee horyaalka La Liga, kulan ka dhici doona Montjuïc Olympic Stadium, berri oo Axad ah.

Barcelona ayaa hogaanka horyaalka Spain ku haysa 24 dhibcood,halka Sevilla ay ku jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 12 dhibcood.

Isagoo ka hadlayay u diyaargarowga goolhayaha cusub ee kooxda Szczesny, Flick ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay in uu sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb qaadashada, laakiin ma jirto sabab lagu beddelo goolhayaha Iñaki ayaa noqon doona goolhayaha koowaad.”

Szczesny ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona isaga oo xor ah waxana uu qalinka ku duugay heshiis hal sano ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga