Miyuu Son Ciyaarayaa Kulanka Man City , Tababare Mourinho Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay xaaladda xiddigiisa Son ee ku aadan in uu ciyaari karo iyo in kale kulanka Man City ka dib markii laacibkaas lagu sheegay in uu haleelay xanuunka karoona

Tottenham ayaa sabtida garoonkeeda cusub ku marti gilineysa kooxda Man City oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga 9-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Kulan wareed ayuu Jose ku yiri”  Son wuu soo laabtay , laba jeer ayaa lagu samaeeyay baaritaano waana laga waayay , waa uuna raacay dhamaan sharciyada loo sameeyay xanuunka, aad ayuu wacan yahay diyaar ayuuna u yahay kulankaas”.

Dhanka kale Jose ayaa qiray in kulankaas  City uu noqon doono mid adag balse uu diyaarsaday qorshihii uu uga taqalusi lahaa dhiggiisa Pep .

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*