Miyuu Sergio Ramos Seegeyaa Kulanka Shakhtar Donetsk Ee Champion-ka

Daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka maqnaanday tababarkii guud ee kooxda ka hore kulanka Champion-ka Shakhtar

Real ayaa habeen dambe marti gilineysa kooxdaas ka dhisan Ukrine waana kulan ka tirsan wareegga koowaad ee Group-yada Champion-ka

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in Ramos uu ka maqnaa tababarkii guud ee maanta taasi oo shaki gilineysa in laacibka uu la lug heli doono kulanka habeen dambe

Laacibkaas ayaa ku dhaawacmay kulankii Cadis ee la Ligaha waxaana laga haleelay jilibka mana uusan dhameysan ciyaartaas oo qeybtii labaad ma soo galin .

Tababare Zidane ayaan dooneyn in uu halis giliyo Ramos kuna soo bilaabo kulanka Shaktar waayo waxa uu ka baqayaa in uu haleeli waayo kulanka Elclasico ee sabtida soo soca

Waxaa la xusayaa in Ramos uu kaliya la tababartay koox ka soo kabsatay dhaawacyo sida Diaz .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*