Miyuu Sergio Busquets Ciyaaraya Kulanka Osasuna, Yaa Barcelona Ka Maqan Una Jooga Kulankaas

Tababaraha kooxda Barcelona  ayaa war wacan ka helay qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxdaas oo dhaawacnaa kuwaasi oo seegay kulamaadii hore .

Wargeyska AS ayaa sheegaya  in Sergio Busquets uu dhaw yahay in uu garoomada ku soo laabto ka dib ogalaasho uu ka helay qeybta caafimaadka  waxa uuna  qeyb ka sameeyay  tababarkii maanta

Warka waxa  uu intaas ku darayaa in laacibka uu diyaar u yahay kulanka La Ligaha ee ay la ciyaarayaan  Osasuna , waxa uuna laacibkaas horay u seegay kulamadii Atletico iyo Dynamo Kyiv

Sidaas oo tahay  macalinka kuma tiirsnaan doono xiddigiisa Rojo  waayo weli waxa uu ku jiraa soo kabsasho .

Laacibkaas ayaa ku dhaawacmay kulankii Juve ee Champion-ka waxaana laga heleelay jilibka , waxaan arintaas la qaba oo maqnaanaa Umtti oo isna diyaar ahaan doonin kulanka Osasuna

Hadaba macalinka waxaaa laga yaabaa in kulankaas  uu ku tiirsanaado Óscar Mingueza ama Clément Lenglet

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*