Miyuu Sancho Ciyaarayaa Kulanka Champion-ka Ee Man City Iyo Dortmund ?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Jarmalka ayaa sheegaya in xiddiga Dortmund ee Sancho uu seegayo kulanka Championka ee Man City .

Labadaas koox ayaa wada ciyaaraya kulan ka tirsan lugta koowaad ee wareegga 8-da Champion-ka kaasi oo dhacaya talaadada .

Sancho ayaa seegay afartii kuylan ee ugu dambeeyay Dortmund ee horyaalka Jarmalka , sidoo kale kulamada qarankiisa ee is reeb reebka koobka aduunka ayuu dhaawac muruqa ah dartii uga maqnaa .

Ilo waredyo ayaa sheegaya in Sancho aysan u suura galeyn in uu la lug helo kulankaas lala ciyaarayo kooxdiisa hore ee Man City

Wargeyska The Sun ayaa soo xiganaya in uu jiro shaki badan oo ku aadan in laacibkaas ka qeyb gali karin kulankaas , waxaana cabsidaas keenay ka dib markii laacibka uu ku fashilmay ka qeyb galka tababarkii guud ee kooxda ee ay sameeyeen galabtii axadda

City ayaa kulankaas Champion-ka galeysa iyadoo horyaalka Ingiriiska ay hogamainayaan waliba u dhaw yihiin in ay ku guuleystaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*