Miyuu Sánchez Ciyaari Karaa Kulanka Soo Socda Ee Semi Finalka Europa League

Sánchez ayaa walaac ku abuuray kooxda Inter Milan xilli kooxdaas ay xalay u soo baxeen wareegga semi finalka Europa League

Inter waxa ay kooxda Bayer Leverkusen ku garaaceen 2/1 waxaana saxiixay Lukaku iyo Nicolo Barella .

Laacibkaas reer Chile ayaa kulankaas badal ku soo galay daqiiqadii 64-aad balse waxa uu la kulmay dhaawac daqiiqadii 90-aad inkastoo uu ciyaarta dhameystay

Bogga Internet-ka ee Inter Milan ayaa lagu xaq jiiyay in Sanchez uu kulankaas dhameystay isaga oo dhawaacan waliba uu dulqaad sameeyay .

Waxa ay xaqiijiyeen in laacibkaas reer Chile uu ka sheeganyo dhaawac muruqa lugta middig ah , waxaana laga baqayaa in laacibka uu ciyaari waayo kulanka soo socda ee isniinta dhacaya

Inter waxa ay qaabilayaan midda soo baxda caawa kooxaha kala ah Shakhtar Donetsk vs FC Basel

Inter ayaa qamiistii hore toos ula wareegtay Sánchez oo horay amaah uga soo maqnaa United .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*