Miyuu Salah Ciyaarayaa Kulanka Wolves Xilli Loolan Dhanka Gool Dhalinta Ay Kala Dhaxeyso Son

Macalin Klopp ayaa ka warbixiyay xaaladda Salah iyo rajada laga yeelan karo in laacibkaas uu safto kulanka Wolves ee horyaalka .

Salah ayaa haya hogaanka gool dhalinta horyaalka isaga oo leh 22 gool waxaana ku xiga weeraryahanka Tottenham ee Son kaasi oo leh 21 gool.

Salah ayaa todobadkii hore waxa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii FA Cup-ka ee Chelsea waxa uuna garoonka ka baxay daqiiqaddii 30-aad ka dib jug muruqa ah waxa uuna sidaas ku seegay kulankii xigay ee Southampton

Klopp ayaa kulan wareed kaga hadlay xaaladda Salah iyo saaxibadiisa kale ee Dijk , Gomez iyo Fabinho oo iyana dhaawacan.

” Gomez , aan aragno waxa aan sameeyo axadda in uu ciyaarayo iyo in kale , Dijk iyo Fabinho waa wacan yihiin balse wax fikrad ah kama haysto waxa aan axadda ku sameyn doono”

Arinta Salah ” waan dareemayaa muhiimadda ay u leedahay in hogaanka gool dhalinta uu ku guuleysto balse ma haysanno fursad aan ku qamaari karno , laacibkana ma doonayo in uu qamaaro isna “