Miyuu Raheem Sterling Ciyaari Doonaa Kulanka Caawa Ee Club? Tuchel Ayaa Ka Jawaabay

Xiddig Raheem Sterling ayaa bilowgii todobaadkan saaxiibadiisa cusub ee chelsea kula biiray dalka Maraykanka halkaas oo ay Blues isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer England ayaan ciyaari doonin kulanka ugu horeeya ee saaxiibtinimooyinka Blues ciyaari doonto sida uu sheegay Thomas Tuchel.

“Raheem Sterling Waxa uu qaadanaya tababar kaliya, wali Tababar buuxa lama qaadan kooxda, laba todobaad ayuu ka dambeeya tababarka”ayuu Tuchel yidhi.

“Haatan wali tababarka buuxa kumuu soo biirin”.

“Maalinta jimcaha ayuu tababarka buuxa ku soo biiri doonaa sidaas darteed ma ciyaari doono kulanka Club America”.