Miyuu Pierre-Emerick Aubameyang Ciyaari Doonaa Kulanka Caawa Ee Southampton? Arsenal Ayaa Warbixin Ka Soo Saartay.

Kooxda Arsenal ayaa warbixin ka soo saartay xiddigeeda ahna kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo seegay kulankii FA Cup-ka ee ay la ciyaareen kooxda Southampton Sabtdiii.

Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in uu Pierre-Emerick Aubameyang kulankaas ku seegay arimo shaqsi ah lana siiyay fasax uu dalbaday saacado ka hor kulankii Southampton.

Xiddiga ayaa la filayay in uu soo laabto kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Southampton ee ka tirsan horyaalka premier League caawa dhici doona.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa haatan xaqiijisay in uu Kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang seegi doono kulanka premier League sabab la xidhiidha arimo shaqsi ah oo dhanka qoyskiisa ku saabsan.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal maadama uu Pierre-Emerick Aubameyang ku jiray qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*