Miyuu N’Golo Kante Taam U Noqon Doonaa Kulanka Muhiimka Ah Ee Ay Chelsea La Ciyaari Doonto Juventus.

Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa seegi doona kulanka chelsea la ciyaari doonto Juventus ee ka tirsan champions League sabab la xadhiidha xanuun.

Xiddiga reer France ayaa muhiim ka ahaa kooxda chelsea marka uu taamka yahay laakiin tababare Thomas Tuchel ayaan adeegsan doonin xiddiga kulanka Juventus.

Kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa doonaya in uu gaadho taam ahaanshihiisa buuxda laakiin xanuun ayaa u diidi doona in uu ciyaaro kulanka Juventus.

Xiddiga ayaa sidoo kale la filayaa in uu seego kulnaka Southampton ee sabtida dambe maadama aan ilaa haatan la garanayn xanuunka xiddiga khadka dhexe ee 30 jirka ah.

Dhaawaca soo gaadhay Kante ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda chelsea marka loo eego in ay doonayaan in ay garaacaan kooxda Juventus si ay u sii wataan difaacashada champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*