Miyuu Mohamed Salah Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Atalanta? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay diyaar ahaanshaha xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunka Korona.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa laga helay xanuunka Korona 13 bishan xilli uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa Masar.

Laakiin xiddiga ayaa haatan si Rasmi ah uga soo kabsaday xanuunka Korona waxana uu Isniintii ku soo laabtay tababarka kooxdiisa.

Ka hor kulanka Atalanta Klopp ayaa yidhi”Mohamed Salah waxa uu qaatayy tababarka waxana uu u muuqday mid taam ah waxana uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato kulamada”.

“Waxa aan eegi doonaa waxa aan samayn doono marka la gaadho shaxda laakiin waa diyaar buuxa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*