Miyuu Mikel Arteta Doonayaa In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Arsenal? Isaga Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Maamulka Arsenal u sheegay:Waxaan doonayaa Heshiis cusub.

Tababare Mikel Arteta ayaa wax laga weydiiyay heshiis cusub intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Man City.

Maamulaha Gunners ayaa ku jawaabay: “Haa, laakiin waa inaan kasbadaa taas, hadda kubbada cagta waa inaad kasbataa toddobaad kasta wax walbana si dhakhso leh ayey isu beddelaan, marka waa inaan diyaar ahaano”.

“Sida iska cad, waa masuuliyadeyda inaan qorsheeyo haatan iyo mustaqbalka fog”.

“Ugu dambeyntiina, waqtiga aan joogi doono kooxdan waxa ay ku xidhnaan doontaa sida aan horay ugu wado kooxda ama aan horumar u gaadhsiiyo kooxda sidoo kale guulo ugu hoogaamiyo kooxda garoonka dhexdiisa”

Mikel Arteta ayaa wax weyn ka badalay kooxda Arsenal tan ilaa markii uu tabababaraha u noqday isaga oo kooxda ku hogaamiyay 2 koob kaliya 24 kulan oo uu hogaamiyay tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*