Miyuu Matic Saxiixay Hishiis Cusub Oo Ku Sii Haynaya Qalcadda Old Trafford ?

Saxaafadda Italy ayaa ku warmeysa in United hishiis cusub ku abaal mariyeen xiddigooda Matic inkastoo dhankooda uusan weli war ka soo yeerin

Hishiiska Matic ee United ayaa ku siman xagaaga 2021-ka balse haatan saxafi reer Italy ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in ilo xog ogaal ah uu ka soo xigtay in arinta Matic lagu kala baxay

De Marzio ayaa sheegay in hishiiskaas cusub uu noqonayo mid sii jiraya illaa iyo xagaaga 2023-ka

Matic ayaa United u yimid xagaagii 2017-ka xiligaas oo uu 45 milyan uga soo wareegay Chelsea

laacibkaas 31 sano jirka ah waxa uu illaa haatan uu u saftay kooxdaas 114 kulan , waxa uu dhaliyay afar gool halka 6 kalana uu sameeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*