Miyuu Mason Mount Ciyaari Doonaa Kulanka Chelsea Ee Southampton, Tuchel Ayaa Ka Jawaabay?

Tababaraha Kooxda chelsea Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Mason Mount diyaar u yahay kulanka ay chelsea sabtida la ciyaari doonto Southamton kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu qabay.

Xiddiga khadka dhexe ayaa seegay labadii kulan ee chelsea guuldarada kala kulantay Man City iyo Juventus kadib markii uu dhaawacmay.

Mount ayaa ka qayb ahaa liiska xiddigaha lagu daray kulamada xulka qaranka England kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii uu qabay.

Tuchel ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga 22 jirka ah diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Southampton kadib markii uu qaatay tababarka maanta oo jimce ah.

“Mason waxa lagu dari doonaa Liiska, Mason waa soo laabtay, ma ahayn dhaawac dheer kaliya waxa uu ahaa mid yar waanan ku faraxsanahay in uu soo laabto”ayuu tuchel yidhi.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*