Miyuu Martin Odegaard Ka Tagayaa Real Madrid , Zidane Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha kooxdaa Real Madrid ee Zidane ayaa u muuqda mid meesha ka saaray suura galnimada ah in bishaan uu kooxda ka tago da`yarka Martin Odegaard.

Qadkaas dhexe ayaa haminayay in uu boos joogto ah ka heli doono Zidane ka dib markii uu ka soo laabtay amaah laba sano iyo bar aheyd ee ku soo qaatay Real Sociedad balse sida muuqata weli ma dhicin.

Si waliba oo ay ahaato , wiilkaan reer Norway ayaa tan iyo bartimihii bishii September waxa uu ku soo biloowday 5 kulan halka iyo afar badal ahna uu sameeyay dhamaan tartamada,

Haatan oo uu kursiga keydka ku caajisay ,tababare Zidane waxa uu diiday in uu tilmaamo in laacibka uusan haysan fursad uu xilli ciyaareedkaan ku ciyaaro .

Laaicbkaas ayaa xalay fadhiyay keydka kulankii Real uga hareen Super Cup-ka ka dib 2/1 oo ay ku garaacday kooxda Athletic Bilbao oo finalka tartankaas ku balansatay Barcelona

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*