Miyuu Lionel Messi Ka Tagi Doonaa Barcelona Suuqa January.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda Barcelona marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Kadib markii uu isku dayay in uu isaga tago kooxda xagaagii Lionel Messi ayaa mar kale muhiim u noqday kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga 6-da jeer ku guulaystay Abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayaa galaya 6-dii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa.

Xiddiga reer Argentine ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Man City iyo PSG laakiin Messi ayaa albaabka ka xidhay in uu suuqa January ka tagi doono kooxda.

Xiddiga reer Artentine ayaa sheegay in uuu sii joogi doono kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan waliba sheegay in uu u dagaalami doono koobabka ay kooxdiisu ciyaari doonto.

1 Comment

  1. 😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😒😭😭😡😭😡😭😡😡😡😡😡😡😡😡😭😡😡😭😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡😡

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*