
Lionel Messi ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Barcelona inkasta oo uu ku dhaawacmay kulankii Granada ee horyaalka La Liga ee Axadii.
Messi ayaa la saaray daqiiqadii 65-aad ee Kulankii Granada laakiin xiddiga ayaa ka soo kabsaday dhaawaca oo ahaa mid aan halis ahayn.
Kabtank Barcelona ee Lionel Messi ayaa haatan taam u noqon doona kulanka Spanish Super Cup-ka ee Real Sociedad ay la ciyaari doonaan.
Wargayska Marca ayaa sheegaya in uu Lionel Messi ka soo kabsaday dhaawaca si buuxdana uga qayb qaatay tababarkii kooxdiisa.
Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Maxay Gabadhu Ka Filaysaa Gacaliyeheeda Kadib Guurka, Ku Dadaal Ninow
Be the first to comment