Miyuu Lionel Messi Ciyaari Doonaa Final-ka Spanish Super Cup-ka? Koeman Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronaldo Koeman ayaa ka hadlay fursadaha xiddigiisa Lionel Messi ee ka qayb galka Final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka.

Lionel Messi ayaa seegay kulankii Semi-final-ka ee ay kooxdiisu rikoodhayaasha kaga badisay kooxda Real Sociedad sabab la xidhiidha dhaawac muruq ah oo soo gaadhay kulankii Granada ee horyaalka La Liga.

Tababare Keoman ayaa sheegay in uuna garanayn in uu Messi taam u noqon doono in uu ciyaaro Final-ka tartanka Spanish Super Cup-ka ee Axada.

Koeman oo wargayska MARCA La hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan rajaynayaa in uu Taam u noqdo laakiin haatan ma garanayo waa in aan sugno oo aan aragno”.

“Hadii uu ka caafimaado dhaawaca shaki la’aan wuu ciyaari doonaa arintaas ayaana muhiim ah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*