Miyuu Kareim Benzema Ciyaari Doonaa Kulanka Atletico Madrid, Ancelotti Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in xiddiga Karim Benzema seegi doono kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Atletico Madrid Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xiddiga reer France ayaa ku dhaawacmay kulankii champions League ee Celtic 6 bishan waxana uu seegay kulamadii Mallorca iyo RB Leipzig ee ka dambeeyay.

Weeraryahanka ayaa la filayay in uu taam u noqdo kulanka ay kooxdiisu Axada la ciyaari doonto Atletico Madrid kana tirsan horyaalka La Liga.

Laakiin xilli uu ka hadlayay shirka ka horeeya kulanka Atletico, Ancelotti ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 34 jirka ah seegi doono kulanka Atletico Madird.

“Benzema diyaar uma noqon doono kulanka, wuxuu bilaabay inuu si shaqsi ah u shaqeeyo, waxa uu soo laaban doonaa kadib fasaxa xulalka”ayuu Ancelotti yidhi.