Miyuu Joel Matip Diyaar U Yahay Kulanka Burnley? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Joel Matip ka hor kulanka premier League ee ay la ciyaari doonaan Burnley kana tirsan premier League.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa dhaawacyo soo gaadhay xiddigaha kooxdeeda kuwaas oo waliba saamayn weyn ku yeeshay Kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

Daafaca dhexe ee Joel Matip ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda Liverpool laakiin Klopp ayaa sheegay in uu xiddigu taam u yahay in uu mar kale kooxdiisa u ciyaaro.

Klopp oo xaalada dhaawac ee daafaca ka hadlaya ayaa yidhi”Joel Matip waxa uu tababar buuxa qaatay shalay sidaas darteed tababarka wuu ku soo laabtay”.

“Laakiin waan qiimayn doonaa saacadaha soo socda ka hor kulanka Burnley ee Premier League”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*