Miyuu Jack Grealish U Dhaw Yahay In Xagaaga Uu Ku Biiro Man United

Xiddiga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa u gacan haatiyay in uu u dhaw yahay in xagaaga uu u wareego kooxda United

Jack Grealish waxa uu bartilmaameed xooggan u yahay United kuwaasi oo aan qarrin xiisaha ay u qabaan laacibkaas

Wargeyska Daily Express ayaa sheegaya in Jack Grealish uu qaatay go`aankiisa ku aadan in Aston Villa ka huleelo waliba uu aado United

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go`aanka Jack Grealish uusan ku xerneyn haddii Aston Villa heerka labaad u dhaadhacdo ama ay baaqi ku sii ahaadaan horyaalka

Jack Grealish waxa uu saaxibo ku dhaw uu u sheegay in uu guri ka helay dhanka waqooyi galbeed uuna doonayo in uu iibsado

Advertisements

Intaas kuma joogsan xogtaan , Jack Grealish waxa uu xusay in uu diyaar u yahay in aqbalo dalabaadka United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*