Miyuu Hakim Ziyech Ciyaari Doonaa Kulanka Man City? Lampard Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Hakim Ziyech ka hor kulanka Adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Xiddiga Hakim Ziyech ayaa dhaawac uga maqnaa chelsea kulamadii ugu dambeeyay kadib markii uu dhaawacmay kana maqnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Lampard oo ka hadlaya arintaas ka hor kulanka Man City ayaa yidh”Hakim Ziyech waa taam waxa uu tababar qaatay 2 ilaa 3-dii maalin ee ugu dambeeyay”.

“Laakiin ka qayb qaadashadiisa kulanka waxa aan qaadan doonaa ka hor kulanka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*