Miyuu Federico Valverdei Seegayaa Kulanka Liverpool Ee Champion-ka ?

Qadlka dhexe Real Madrid ee Valverde ayaa dhaliyay shaki weyn oo ku aadan in uu ciyaari karo iyo in kale kulanka arbacada ee Liverpool ee Champion-ka

Laacibkaas ayaa la arkayay in uu lutinayay ka dib markii la badalay kulankii Barcelona ee ay ku gaareen guusha .

Kulankaas Real ku badiyeen 2/1 ayaa ka tirsanaa wareegga 30-aad ee horyaalka Spain

Valverde ayaa ciyaaray 60 daqiiqo waxaana lagu badalay Assensio iyadoo la arkayay laacibka in uu garoonka ka baxay isaga oo aan xaalad wacan dareemeyn

waxa ay kaamirooyinka qabteen Valverde oo aan ku leexan kursiga badelka oo toos u aaday qolka dhar badalashada waliba isaga oo lutinaya.

Lama oga in laacibka dhaawaca gaaray yahay mid xooggan iyo in kale waxa ayna tani imaaneysaa xilli arbadada kulan muhiim ah la leeyihiin Liveprool oo lugtii hore ee wareegga 8-da ay ka badiyeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*