Miyuu Eden Hazard Taam U Noqon Doonaa Kulanka Liverpool? War Cusub Ayaa Laga Helay Xaaladiisa.

Xiddiga Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawaca ka soo laaban doono kulanka lugta 1-aad ee ay Kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool Salaasada kulanka champions League.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu haatan ka soo kabsanayaa dhaawac uu kooxdiisa uga maqnaa tan ilaa bartamihii bishii March.

Hazard ayaa lagu arkay tababarka kooxdiisa ka hor kulankii Sabtidii ee ay kooxdiisu ka badisay Eibar horyaalka La Liga laakiin Zidane ayaan ku soo darin Liiska xiddigihii uu kaga hor tagay Eibar.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in uu Hazard haatan taam u yahay in uu ka soo muuqdo Liiska xiddigaha Real ee kulanka Jurgen Klopp inkasta oo uu Zidane sheegay in uuna khatar galin doonin xiddia.

Hazard ayaa kaliya Real Madrid u ciyaaray 14 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay gool kulanka champions League Gool isaa oo ka dhaliyay kooxda Inter Milan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*