Miyuu Eden Hazard Ciyaari Doonaa Kulanka Alaves? Zidane Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Eden Hazard ka hor kulanka Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga ee Jimcaha la ciyaari doono.

Zidane ayaa xaqiijiyay in uu Eden Hazard ciyaari doono kulanka Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga Kadib markii uu dhaawac kaga maqnaa kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

“Eden Hazard waxa uu dareemay dhaawac yar laakiin ma ahayn dhaawacii horay u soo gaadhay”ayuu Zidane yidhi.

“Waxa uu si caadi ah tababarka u qaatay maalmihii ugu dambeeyay waxana aan rajaynayaa un uu ciyaaro 4-ta kulan ee ugu dambaysa horyaalka iyo champions League”.

“Waxa uu doonayaa in uu caawiyo kooxda kamana cabsi qabo in uu mar kale dhaawacmo”.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre Oo Si Adag Uga Soo Hor Jeestay Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Haatan Kuna Adkaystay In La Qabto Doorashada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*