Miyuu De Jong Ku Qal-qaalinayaa Depay In Uu Yimaado Barcelona

Qadka dhexe Barcelona ee De Jong ayaa shaaca ka qaaday in saaxibkiisa qaranka ee Depay uu kala hadlay in uu Barcelona kula midoobi balse go`aanka kama dambeysta ah uu leeyahay laacibka

Depay ayaa hishiiskiisa Lyon ku sinnaa  dhamaadka xilli ciyaareedkaan welina  hishiis kordhin looma bandhigin xilli ugu dambeyn uu shaaciyay in uu baxayo .

Kooxo kala duwan ayaa doonaya balse waxaa ugu xooggan kooxda Barcelona oo la xusay in xittaa hishiis shaqsiyadeed ay la gaareen

Labadaan laacib ayaa haatan wada jooga qarankooda Holland iyaga oo ka qeyb galaya tartanka koobka qaramada yurub ee caawa bilaabanaya

ESPN ayuu De Jong ka yiri ” xaaladda Barcelona waan ka wadahadalnay , balse go`aanka isaga ayaa leh , aan aragno waxa dhaca ka dib markii uu tartankaan dhamaado”.

De Jong oo qudhiisa Barca yimid laba xilli ciyaareed ka hor ayaan toos loogu tiirsaneyn hadana waxa uu ku dooday in wax badan uu ka faa`iday Camp Nou

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*