Miyuu Coutinho Ciyaari Karaa Kulanka Atletico Madrid , Barca War Ayay Ka Soo Saaren Xaaladdiisa.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa war wacan ka helay qeybta caafimaadka kooxda ka hor kulanka Atletico Madrid.

Barcelona ayaa sabtida marti u ah kooxda Atletico oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga 10-aad ee La Ligaha

War ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay in  Coutinho uu ka  helay qeybta caafimaadka ogalaasho ah in kulanka beri uu ciyaaro karo”

Wiilkaas reer Brazil ayaa ku dhaawacmay kulankii Real ee 24-kii bishii hore xilligaas oo laga heleelay jilibka.

Waxaa xusid mudan in Barcelona ay haatan ku jiraan booska 8-aad iyaga oo leh 11 dhibic halka Atletico ay leeyihiin 17 dhibic waxa ayna ku jiraan booska 17-aad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*