Miyuu Bukayo Saka Taam U Noqon Doonaa Kulanka West Ham? Mikel Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in xaalada Bukayo Saka la qiimayn doono ka hor kulanka West Ham laakiin aan hubin in uu xiddigu u safri doono waajibaadka xulka qarankiisa.

Saka ayaa dhaawac ku seegay kulankii Europa League ee ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Olympiacos khamiistii la soo dhaafay.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Tottenham waxana uu Mikel Arteta sheegay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa.

Mikel Arteta oo ka hadlaya xaalada xiddiga ayaa yidhi”ilaa haatan ma ogin, waxa ay ku xidhantahay sida uu dareemo saacadaha soo socda”.

“Shalay ayaan la hadlanay laakiin diyaar buuxa uma ahayn in uu ciyaaro sidaas darteed maanta ayaan go’aan gaadhi doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*