Miyuu Antoine Griezmann Isaga Tagi Doonaa Barcelona Suuqa January

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin in ay iibiso xiddiga Antoine Griezmann bilowga sanadka 2021 gaar ahaan suuqa January.

Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona tan ilaa markii uu lacagta rikoodhka ah ugu soo biiray xagaagii hore.

Antoine Griezmann ayaan wali wax gool ah u dhalin kooxdiisa xilli ciyaareeedkan isaga oo kaydka la dhigay kulankii El Clasico ee horyaalka La Liga ee sabtidii.

Waxa jiray warar sheegaya in uu Ronald Koeman iska iibin doono xiddiga koobka adduunka ku guulaystay marka la gaadho suuqa January.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ayna Barcelona wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga 29 jirka ah suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*