Miyuu Anthony Martial Taam U Noqon Doonaa Kulanka Liverpool? Xog Cusub Ayaa Laga Helay Dhaawaciisa.

Hogaamiyayasha horyaalka Premier League ee Man United ayaa isku diyaarinaya tijaabo adag oo kale marka ay marti u noqon doonaan kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool Axada.

Xiddiga Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa in uu taam u noqon doono kulanka ay Man United la ciyaari doonto Liverpool Axada inkasta oo uu dhaawac muruqa ah uga baxay Kulankii Burnley ee Salaasadii.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa la badalay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii ay United guusha 1/0 ah ka gaadhay Burnley kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay.

Xiddiga reer France ayaa wajahay shaki ku saabsan taam ahaanshihiisa kulanka Liverpool kadib markii ay ciyaartu dhmaatay.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uuna dhaawacu ahayn sidii laga cabsi qabay markii hore.

Sidaas darteed Anthony Martial ayaa taam u noqon kara in uu ka qayb qaato kulanka Liverpool iyada oo maanta oo khamiis ah la qiimayn doono xaaldiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*