Miyay Real Madrid Haatanba Ku Guulaystay Horyaalka La Liga? Quique Setié Ayaa Ka Jawaabay.

Kooxda Barcelona ayaa mar kale kuftay kulankii ay La ciyaaraysay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 33-aad kana dhacay Camp Nou.

Barcelona ayaa bar-baro gashay kulankii 2-aad oo xidhiidh tan ilaa markii dib loogu soo laabtay horyaalka La Liga iyaga oo fursad weyn siiyay Real Madrid in ay dheeraysato hogaanka horyaalka.

Tababaraha Barcelona ee Quique Setié ayaa qirtay in ay kooxda Real Madrid haatanba hal gacan ku sii qabsatay horyaalka La liga xilli ciyaareedkan kadib bar-barihii Atletico Madrid.

“Waa wax ceeb ah in aan wajahno dhibaatooyin adag’ayuu Quique Setié yidhi.

“Dhibcaha aan luminay waxa ay la macno tahay in aan ka sii fogaanay Real Madrid, waxana ay haatanba Real Madrid ku guulaystay horyaalka”.

Advertisements

“Waxa aan isku daynay in aan qabano waxyaabo kala duwan waxanan u malaynayaa in aan u qalanay in aan helno waxa ka badan wixii aan helnay laakiin xiddigaha Atletico Madrid waxa ay ahaayeen xiddigo fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*