Miyay Real Madrid Awood U Leedahay In Ay La Soo Saxiixato Sadio Mane Xagaaga.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ayna awood u lahayn la so saxiixasahda xiddiga Liverpool ee Sadio Mane suuqa xagaaga inkasta oo uu Zidane doonayo xiddiga.

Tababare Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu si aad ah u doonayo xiddiga reer Senegal si uu xilli ciyaareedka dambe uga garab ciyaarsiiyo xiddigaha Eden Hazard iyo Karim Benzema.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay ka cabsi qabto in ay waydo xiddiga 28 jirka ah inkasta oo uu heshiis 4 sano ah kula jiro kooxda ku ciyaarta Anfield.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ayna Los Blancos awood u lahayn in ay xagaaga la soo saxiixato xiddiga Mane sabab la xidhiidha saamaynta dhaqaale ee uu xanuunka Korona ku yeeshay kooxda.

Sii Akhriso: Dalka Shiinaha Oo Si Kulul Uga Hadlay Heshiiskii Dhexmaray Somaliland Taiwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*