Miyay Luke Shaw & Brandon Williams Ciyaari Doonaan Kulanka Crystal Palace? Solskjaer Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha Luke Shaw & Brandon Williams ka hor kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Crystal Palace.

Xiddigaha Luke Shaw & Brandon Williams ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Southampton Isniintii kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Luke Shaw oo isagu ku bilowday ciyaarta ayaa ka baxay qaybtii dambe kadib markii uu ka dhaawacmay kuraanta iyada oo lagu badalay da’yarka Brandon Williams laakiin xiddiga ayaa isna dhaawac madaxa ah soo gaadhay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Ka hor kulanka ay Man United khamiista la ciyaari doonto kooxda Crystal Palace Solskjaer ayaa wax laga waydiiyay fursadaha labada xiddig ee kulanka Crystal Palace.

Solskjaer oo xaalada labada xiddig ka hadlaya ayaa yidhi”Luke Shaw waxa bararay kuraanta, waxa aan siin doonaa wakhtiga ugu badan ee suurtagalka ah si uu u soo kabsado”.

” Brandon Williams waxa dilaacay isha dusheeda sidaas darteed ma garanayo in ay taam noqon doonaan laakiin shalay wax tababar ah may qaadan shalay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*