Miyay Henderson & Firmino Taam U Yihiin Kulanka Arsenal? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddigaha Jordan Henderson iyo Roberto Firmino ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Henderson ayaa dhaawac uga maqnaa kooxdisa mudddo bil ku dhaw kadib markii uu qaliin maray kadib dhaawac soo gaadhay xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa.

Dhanka kale Roberto Firmino ayaa muddo 3 todobaad ah ka maqnaa kooxda Liverpool kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay xiddiga reer Brazil.

Klopp oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka Arsenal ayuu yidhi”Roberto Firmino waxa uu ku soo laabtay tababarka waxana uu noola shaqaynayaa si caadi ah”.

“Laakiin Henderson wali nalama joogo, umana dhawa in uu soo laabto waxana uu tabababrka ka qayb qaadan doonaa maalmaha iyo todobaadyada soo socda”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*