Miyay Fabinho Iyo Alcantara Ciyaarayaan Finalka Champion-ka Ee Real

Kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaday sida uu yahay xaalka Fabinho io Alcantara ee ku aadan kulanka finalka ee ay la ciyaarayaan Real Madrid .

Alcantara waxa uu ka sheegtay xanuun muruq ah kulankii ugu dambeeyay horyaalka ee Wolves halka Fabinho uu kooxdaas ka maqan yahay tan iyo 10-kii May isna muruqa ayaa laga hayaa .

Waxa ay Liverpool sheegeen in labadaba ay ku jirayaan liiska kooxda ee kulankaas Real

“Waxa ay u badan tahay in kulankaas qeyb ka noqdaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay kooxdaas.

Waxaa la xusay in ay soo bogsadeen sidaas darteed ay ku jiraan liiska finalka Champion-ka

Liverpool ayaa beri Frace kula kumeysa Real oo ay ciyaarayaan finalka Champion-ka